SOEN

Dad badan oo maanta ka shaqeeya xafiisyada, ganacsiga, ama saacado badan fadhiya gaadiidka ayaa ka cawda xanuunka dhabarka iyo qoorta. Marka aad muddo dheer fadhido adigoo aan jimicsi samayn, culays xad-dhaaf ah ayaa fuula murqaha iyo laf-dhabarta, taas oo keeni karta inuu cadaadis ku yimaado neerfayaasha ama uu soo baxo xanuunka loo yaqaan Disc-ga.

Calaamadaha Digniinta ah:

  • Xanuun dhabarka hoose ah oo u gudbaya sinta, bowdada, ama lugaha.
  • Kabuubyo, jiriricood, ama daciifnimo laga dareemo lugaha ama gacmaha.
  • Xanuun sii kordha marka aad qufacdo, hindhisto, ama aad wax culus qaaddo.

Haddii aad iska indhatirto calaamadahan, xanuunku wuxuu isu beddeli karaa mid raaga oo saameeya nolol maalmeedkaaga. Daaweynta hore waxay kaa caawinaysaa inaad ka fogaato qalliin aan loo baahnayn.

Ma dareemaysaa mid ka mid ah calaamadahan? Si toos ah ballan uga qabso Dr. Abdulkadir si laguugu sameeyo baaritaan buuxa.

Laf-dhabarta (qaybta hoose)

← Dib u noqo

Ballan Qabso

Bilow Soo Kabashadaada

Nala soo xiriir WhatsApp ama telefoon, dhakhtarkuna wuu ku caawin doonaa tallaabada ugu horreysa.

WhatsApp